Muqdisho 29 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xafiiskiisa kulan isbarasho iyo is-xogwareysi ah kula yeeshay wafdi uu Hoggaaminayo madaxa NIS Foundation Soomaaliya, Mudane Kassim Gabowduale. Kulanka arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa; howlaha ay Wasaaraddu la qabtaan iyo xoojinta Iskaashiga.