Muqdisho 21 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya(UNSOM) Mr. Raisedon Zenenga iyada oo laga wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Dib u heshiisiinta iyo Arrimo kale.
Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa carabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay Dowladda Soomaaliya in ay shacabkeeda dib ugu celiso go’aanqaadashada masiirkooda iyo doorashada kuwa matalaya isaga oo adkeeyey in aan dib loogu noqon doonin Teendhada.