Muqdisho 19 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Hay’adaha Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira Dib u xoraynta dalka iyo Arrimaha Xasilinta.
Ugu Dambayn, Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir qoto dheer oo ku aaddan iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo siyaasadda.