Wasiir Sadaad Caliyow Oo Nairobi Ku Daahfuray Aqoon Isweedaarsi Ku Saabsan Daadajinta Dowladnimada

 

Nairobi 17 May 2024; Waxaa magaalda Nayroobi ee dalka Kenya ka fumray kulan 10 maalmood socon doonno oo ay ka soo qaybgaleen State Devolution of Kenya, UNDP, iyo xubno ka socoda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Mudane Sadad Alio, waxaa goobjoog ka ah Ambasadoorka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibril Ibrahim Cabdulle.

 

Ujeedka kulanka ayaa ah: Aqoon kororsi ku saabsan Daadejinta mas’uuliyaha Hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda iyo diyaarinta qabyo-qoraalka dokumentiga furfuridda mas’uuliyahada hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda.