Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sagootinta Ergayga Xoghayaha Guud Ee QM Soomaaliya

 

Muqdisho 16 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa kala qeybgalay madaxda Dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiinta UN-ka munaasabadda sagootiska ee Ergeyga sii-baxaya ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

 

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Madax ka kala socotay beesha Caalamka, Diplomaasiyiin iyo Madax ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.