Wasiir Cali Xoosh Oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo

 

Muqdisho 14 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa garoonka diyaaaradaha Caalamiga ah Aden Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyey Hoggaamiyaha Maamulka Ku Meelgaarka ah ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

 

Soo dhawaynta Hogaamiye Firdhiye ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Madax ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka sida Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi Timacade, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Cabdulaahi Bidhaan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.