Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

 

Muqdisho 04 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa kormeeray xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka isaga oo warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha socda isaga oo carabka ku adkeeyay in shaqooyin badan oo hortabin u leh qaranka ay u yaalaan guddiga, lana soo dhisi doono guddiga oo xubnihiisa ay ka badan doonaan intii hore.