Muqdisho 02 2024; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la saxiixdey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Ali Yusuf Ali (Xoosh) Ballanqaadka Wasaaradda ee 2024-ka taas oo qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in si dhab ay uga shaqeeyaan ballanqaadka ay saxiixeen Wasiirrada ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee Xukuumadda DanQaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.