Muqdisho, 01 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1-da May.
Wasiir Cali Xoosh ayaa yiri” Waxaan dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May u dirayaa dhammaan Shaqaale weynaha adduunka iyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda iyo qoysaskooda”
Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay door muhiim ah kasoo qaateen halganka dib u dhiska dalka, iyaga oo kusoo shaqeeyay duruufo adag, waxayna mudan yihiin in lagu dhiiragaliyo shaqada ay u hayaan ummada Soomaaliyeed”
Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u rajeeyay shaqaalaha Soomaaliyeed Mustaqbal wanaagsan, isagoo yiri “Waxaan u rajaynayaa dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed mustaqbal wanaagsan.”