Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan Doceedyo La Qaatay Hay’ado Kala Duwan Oo Ka Shaqeeya Nabadaynta Iyo Xasilinta

 

Muqdisho, 30 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan doceedyo kala duwan la qaatay hay’adaha ka shaqeeya sidoo kalena daneeya nabad iyo Xallinta khilaafyada.

 

Ugu horayn Wasiir Cali ayaa kulan doceedka la qaatey agaasimaha Fulinta ee Hay’adda P4P (Principle for Peace) Marwo Hiba Qasas.

 

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay Nabadaynta Soomaaliya, sida loo taageerayo howlaha Dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.

 

Sidoo kale Wasiir Cali yusuuf Cali ayaa kulan doceedka kale la qaatey Paul Seils oo ah Agaasimaha Peace Practice and Innovation, ee
European Institute of Peace

 

Arrimaha looga wada hadlay waxaa ka mid ah hirgelinta Hannaanka Dhab U Heshiisiinta Qaran, taageeradiisa iyo arrimo kale.

 

Kulan doceedka ugu dambeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa la yeeshay Dr Theo Hollander – Wakiilka Goboleedka hay’adda Interpeace oo ka shaqaysa Nabada.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku adkeeyey hey’adaha kala duwan iyo sida Dowladda ugu go’antahay Hannaanka Dhab u heshiinta Qaran, loona baahanyahay taageero dhan walbo ah.