Wasiir Cali Xoosh Oo Daahfuray Kulanka Guddiga Sare Ee Mashruuca JPLG

 

Muqdisho, 29 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane xildhibaan Cali yuusuf cali (xoosh) ayaa Daah furey Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG, iyada oo ay Goob joog ka yihiin, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

 

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galey Marti kala duwan oo ay ugu horeeyaan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale Kulanka waxaa qayb ka ah, saahiixabada Beesha caalamka ee taageera Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga oo ay ugu horeeyaan, Isu-duwaha Arrimaha gargaarka ahna Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane George Conwey, Masuuliyiinka ka socda Safaaradaha Wadammada taageera Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga, Madaxda & hawl-wadeennada Hay’adaha UN-ka ee ka shaqeeya Mashruucan iyo Dowladdaba.

 

Ugu horrayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan cali yuusuf cali xoosh ayaa sheegay ahmiyadda Mashruucaan u leeyahey dalka isaga oo tilmaamey “ Mashruuca JPLG ee dowladaha hoose wuxuu waxtar u leeyahay dowladnimada iyo dalka guud ahaan, taasoo lagama maarmaan ka dhigaysa in dib loo soo nooleeyo”
Wasiirka o hadalkiis sii wata ayaa tilmaamey “Mashruucaani wuxuu ka shaqeeyaa dalka oo dhan Saylac ilaa Raas-Kaambooni, kaasoo qayb weyn ka ah xoojinta isku-haynta & midnimada dalka”.

 

Ugu danbayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan cali yuusuf cali xoosh ayaa ayaa muujiyey in Dowladdu ku darto maalgelinta mashruucaan qoondo muuqata gaar ahaan LDF iyo SDM-ka (kaabayaasha iyo Adeeg bixinta).