Muqdisho, 28 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mudane George Conway Kuxigeenka Ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya ee isku duwidda arrimaha bini’aadantinimada.
Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa; Arrimaha Bani’aadnimada, horumarinta Dowladaha hoose, Dhab u heshiinta, howlaha Xasillinta iyo arrimo kale.
Ugu Dambayn, Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ayaa Dowladda Soomaaliya ka taageera Dhinacyada Dowlad dhiska sida Nabadaynta, Dowladaha Hoose iyo Arrimaha Gargaarka.