Muqdisho 27 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali( Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiinta Hey’adda Gargaarka Afrika (AFRICAN RELIEF COMMITTEE). Inta uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay shaqada hey’adda, Arrimaha gargaarka, ka jawaabista howlaha bani’aadnimo iyo arrimo kale.