Muqdisho 25 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadaad Caliyow oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xalaadaha Madaniga Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye ayaa soo xiray Tababar ku saabsan soo Guryo Noqoshada, Hababka Dib-u-soo-celinta, Diiwaangelinta iyo Aqoonsi Sharcisiinta.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ka hadlayay ahmiyadda tababarka ayaa yiri “Tababarka wuxuu ahaa mid aad ugu muhiim ah Howl-wadeenada kala duwan ee ka socda Hay’adaha Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo aan rajeyneyno inaad waxbadan ku kordhisaan Hay’adihii aad mataleyseen”
Ugu Dambayn, Tababarkaan oo socday muddo lix maalin ah ayaa waxaa soo agaasimay Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, iyadoona loo qabtay holwadeenno ka kala socda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir, Hay’adaha NIRA iyo NCRI, sidoo kale waxaa shahaado la siiyay howladeennada ka faaideystay Tabbarka lixda maalin ee uu socday.