Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS Oo Furay Aqoon Isweedaarsi La Xiriira Arrimaha Dal-laawenimada

 

Kismaayo 22 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Adeegyada Dad dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Cabdiqani Wehliye Ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku Meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ku furay Aqoon Isweydaarsi lagu soo bandhigayay Daraasadii sanadkii tagay ee la xiriirtay arimaha Dal-laawenimada.

 

Kulan Aqoon-isweydaarsiga oo sare loogu qaadayay wacyiga Mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka Jubbaland ee xiriirka la leh arrimaha Dal-laawenimada ayaa waxaa iska kaashaday Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

 

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa muddooyinkii dambe waday dedaalladeeda ku aaddan xal u helidda arrimaha Dal-laawenimada.