Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Xiray Tababar Ku Saabsan Maamulka Xogta

 

Muqdisho, 18 April 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadaad Caliyow oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cayduruus Macallin iyo Agaasimaha Guud ee adeegyada dad-dhigidda iyo Tirakoobka Mudane Abdiqani Maxamed ayaa so xiray Tababar Ku Saabsan Maamulka Xogta.

 

Wasiir Saadaad oo kalmad kooban ka jeediyay Munaasabadda Xeritaanka Tababarka ayaa tibaaxay in Tababarkaan uu waxbadan ka tari doono Tayada howlwadeennada ka faa’ideystay.

 

Ugu Dambayn, Tabbarkaan oo socday muddo 5 maalin ah ayaa waxaa loo qabtay Howlwadeennada Xafiisyada Tiknoolajiyadda ee Hay’adaha kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, NIRA, Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad Dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, Hay’adda Dhowridda Xogta, Guddiga Xuduudaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.