Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Munaasabad Sagootin Ah U Sameeysay Wasiir Fiqi

Muqdisho, 17 April 2024; Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa munaasabad casho sharaf sagootin ah u sameeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda, iminkana ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Denjire Axmed Macallin Fiqi.

Munaasabaddan oo sidoo kale ay Goobjoog ka ahaayeen Agaasime Waxeedyada, Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiinta kala duwan iyada oo si aan rasmi ahayn la is kula wadaagay sheekooyin xiiso badan oo lagu xasuusto Wasiir Fiqi iyo erayo soodhoweyn iyo shaqo wanaag loo muujinayo Wasiir Xoosh.

Wasiiru dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa labaduba ka sheekeeyay wadashaqeyntii dhexmartay iyaga iyo Wasiir Fiqi iyo howlaha kala duwanaa ee socday, waxaa kale oo goobta ka hadlay qaar ka tirsan Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha oo bogaadiyey howlihii hagiddiisa ku fulay iyaga oo u rajeeyay in ilaahay ku guuleeyo xilka cusub.

Dhankiisa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyey shaqada uu Wasiir Axmed Fiqi ka qabtay Wasaardda muddada uu joogay, isaga intaa raaciyey in muddo xileedkiisa lagu shaqeyn doono Isku duubni, talo wadaag iyo shaqo adag oo afar labojibbaaran.

Ugu dambeyntii, Wasiirkii hore ee Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya haatanna ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyey casho sharafta sagootiska ah ee loo qabtay isaga kula dardaarmay shaqaalaha Wasaaradda in si ka wacan sidii hore lagula shaqeeyo Wasiirka cusub mudane Cali Xoosh.

Muqdisho, 17 April 2024; Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa munaasabad casho sharaf sagootin ah u sameeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda, iminkana ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Denjire Axmed Macallin Fiqi.