Wax Ka Ogoow Kulanka Wasiir Cali Xoosh Iyo Agaasimayaasha Waaxyaha & La-taliyaasha Wasaaradda

 

Muqdisho, 17 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyaasha Wasaaradda.

 

Isbrasho kadib, Wasiir Xildhibaan Cali Xoosh ayaa si kooban mid mid uga dhaqagaystay Masuuliyiinta haya shaqooyinka ugu muhiimsan Wasaaradda, isaga oo intaa kadib faray qeybaha kala duwan in la dardargaliyo shaqada muhiimka oo ay Wasaaraddu u hayso Qaranka.

 

Ugu Dambayn, Kulankan Wasiir Xildhibaan Cali Xoosh waxaa sidoo kale ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir iyo Agaasimaha Guud Mudane Cayduruus Macallin Xasan.