Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Sare Ee Wasaaradda

 

Muqdisho 17 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali( Xoosh) ayaa kulan isbarasho oo gaar ah xafiiskiisa kula qaatay hoggaanka sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Caydaruus Macallin Xasan.

 

Kulankan waxaa si horudhac ah looga hadlay howlaha ka socda Wasaaradda iyo arrimo kale.