Wasiir Cali Xoosh Oo Loo Dhaariyay Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS

 

Muqdisho 14 Apr 2024; Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaariyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

 

Kulanka dhaarinta oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye ku-xigeennnada 1aad iyo 2aad ee Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Marwo Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Mudane Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow iyo guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee golaha.

 

Waxaana dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) iyo Wasiirrada kale ee xukuumadda Federaalka ah Garsoore mudane Saalax Sheikh Ibraahim Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.