Wasiir Fiqi Oo Wasiir Cali Xoosh Kusoo Dhaweeyay Xarunta Wasaaradda

 

 

Muqdisho 13 April 2024; Wasiirka Xilka ka degaya ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir dowlaha mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan.

 

Wasiir Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda mudane Cali Xoosh warbixin ka siiyay howlaha socday ee Wasaaradda, diyaargarowga munaasabadda xilwareejinta iyo arrimo kale.

 

Ugu Dambayn, waxaa ay Madaxda socod kusoo mareen xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaaradda iyada oo mid weliba sharaxaad horudhac ah laga bixinayay shaqadooda iyo howlwadeennada ka shaqeeya.