Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Dagmooyinkan Xarardheere Iyo Ceeldheer

 

Mudug 01 Apr 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud safarka degmada taariikhiga ah ee Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo mid ah wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tagay degmada taariikhiga ah ee Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

 

Socdaalkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay labada heer ah ee Dowladda, ujeedkuna ahaa u kuurgelidda xaaladda degmada iyo dhiirigelin ayaa waxaa kulamo kala gaargaar ah lagula yeeshay shacabka iyo ciidanka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay shacabka iyo ciidanka ku dhaqan Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa ku dhiirigeliyay sida geesinnimada leh ee deegaanka uga xoreeyeen Khawaarijta isaga oo bogaadiyay nolosha dib ugu soo noqotay.

 

Ugu Dambayn, Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo laga saaray Khawaarijta ayaa helaya neecaawda Dowladnimada, iyado oo ay howlo badan ka qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.