Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo La Kulmay Kooxda Isku Dhafka Ah Ee Taageerada Doorashooyinka QM IESG

 

Muqdisho 27 Mar 2024, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federeraalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Kooxda Iskudhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka ee Qaramada Midoobay (IESG) mudane Deryck Fritz.

 

Kulanka inta uu socday, waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada iyo tallaabooyinka hortabinta u leh xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dardargelinta howlaha ay ka mid yihiin; shuruucda doorashooyinka iyo isku diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka dhan laga hirgeliyo.

 

Qaramada Midoobay Hay’adaheeda kala duwan ayaa Soomaaliya Ka taageeraa dhinacyada Dowlad dhiska oo ay ku jiraan Doorashooyinka, Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose.