Muqdisho 25 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiinta hey’adda IOM ee Soomaaliya. Inta uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xasillinta, Xalka waara iyo Dib u heshiisiinta. Hay’adda Socdaalka Adduunko ee IOM ayaa ka mid Hay’adaha Bahwadaagta la ah Wasaaradda Arrimaha Gufaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.