Muqdisho 24 Mar 2024; Xilli ah ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waddo qorshaha dib u dhiska xarunteeda dhexe ayaa waxaa maanta xafiiska Wasiirka Arrimaha mudane Axmed Macallin Fiqi lagu soo bandhigay naqshadda.
Kulankan oo goobjoog ka ahaa Maareeyaha Wakaaladda Hurmarinta Dhismaha Soomaaliyeed Cali Joqombe, ayaa waxaa hey’addan dhismaha Soomaaliyeed wax laga weydiiyay qaabka naqshadda iyo guud ahaan howlaha la xiriira dhismaha xarunta Wasaaradda.