Muqdisho 24 Mar 204; Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta usoo bandhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib.u-heshiisiinta XFS warbixin la xiriirta dib u abaabulista iyo doorashooyinka Golaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali National Youth Council).
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Ahmed Macallim Fiqi, ayaa dhiniciisa soo dhoweeyay qorshaha doorashada guddiga qaran ee dhalinyarada heerarkeeda kala duwan, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo in dhalinta Soomaaliyeed ay yeeshaan matalaad ayna bartaan dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo is doorashada . waxaa uuna sidoo kale balallanqaaday in Wasaaraddiisu ay ka geysan doonto wixii kaalinteeda ah.
Wasaaradda Dhalinyrada oo kulanka kusoo bandhigtay nidaamka doorasho iyo qaababka xulashooyinka golahaa. Doorashadan goleyaasha dhalinyarada oo leh heerar kala duwan ayaa ujeedkeedu tahay in dhaliyarada Soomaaliyeed ay helaan matalaad iyo in la xoojiyo dhaqanka doorashada , ayaa u dhici doonta Qof iyo Cod oo leh habraacyada la yaqaano taas oo ka dhici doonta heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir iyo waliba heer degmo.