Muqdisho 24 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kaqeybgalay Afur wadareed ay isugu yimaadeen Ardeyda kasoo qalinjibisay Jaamacadaha dalka Sudan.
Afurkan oo sanadle ah, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiiro ,xildhibaanno heer qaran iyo qeybo kale oo kamid ah ardaydii kasoo qalinjabisay jaamacadaha Suudaan.
Munaasabaddaan oo ay soo Agaasimeen Maamulka Aqoonyahanka SOMSUD ayaa dadka kale ee lagu casuumnaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabulqaadir, Gudoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Aqoonyahanno Soomaaliyeed, Mas’uuliyiinta Safaaradda Sudan ee Soomaaliya iyo Jaaliyadda Sudan ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku nool.
Ugu Dambayn, waxaa Munaasabadda soo gaba-gabeeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi, waxa uuna bogaadiyay kulankaan sanad laha ah ee ay isugu yimaadaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Sudan wax ku soo bartay, waxa uuna dhanka kale balanqaaday in Doowladda Soomaaliya ay Garab istaagi doonaan Dadka Sudan dhan walba oo la gudi doono abaalkii hagar la’aanta ahaa ee ay noo sameeyeen xilliyadii aan ku jirnay colaadaha sokeeye.