Kulanka Billaha Ee Guddiga Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta Oo Muqdisho Lagu Qabtay

 

Muqdisho 23 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Faarax Shiikh Cabdiqaadir ayaa xarunta Wasaaraddaasi ku Guddoomiyay Kulanka Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

 

Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasllinta Mudane Cabdicasiis A. Gurbiye ayaa ugu horreyn waxaa uu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigaan iyo kaalinta uu xilligaan uu dalku ku jira dib u xorreyn ka qaadanayo iska warqabka, xiriirka, mideynta ajendeyaaaha Xiriirka, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbinga ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Shiekh Cabdiqaadir ayaa si qotodheer ah uga hadlay muhiimadda Xasilinta, Dib-u-xoraynta dalka iyo dedaallada ay Dowladda Soomaaliya ku daadejineyso adeeg bixinta oo ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka, Amniga iyo howlo kala sida Dib u heshiisiinta bulsho iyo is cafinta isaga oo bogaadiyay shaqada guddiga iyo ahmiyadda uu u leeyahay iskuxirka Dowladda iyo Shacabka

 

Wasiir Faarax ayaa ku adkeeyay guddiga in ay xoogga saaraan soo gudbinta farriimo adag oo kala duwan, oo u adeegaya aragtida dowladda ee dhanka Xasllinta, iyo in si fiican loo soo bandhigo qeybta Xasllinta ee qeybaha bulshada iyo qurbajoogta ay ka fuliyaan deegaannada ay ka yimaadeen.

 

Ugu Dambayn, Kulanka Guddiga ayaa lagu soo bandhigay howlaha Xasillinta ee ka socda dowlad goboleedyada iyada oo Wasaarad walba ay ka shaqeyn doonto barnaamijyo la xiriira, kadibna laga shaqeynayo sidii loosoo bandhigi lahaa.