Muqdisho 22 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Afur Wadareedka Sanadlaha Ee is Aragga Xukuumadda JFS Iyo Bulshada Qeybaheeda taasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaanka hadlay ahmiyadda kulanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbaddiisa ku sheegay in qeybaha bulshada ay daneynayaan dastuurka, in codkooda la dhageystana ay ahayd.
Ugu Dambayn, Munaasabadda Afur Wadareedka Sanadlaha ee Xukuumadda Iyo Bulshada Raydka ah ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyayaasha Dagmooyinka Banaadir, Culimada, Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka, Odayaasha Dhaqanka, Bahda Waxbarashada, Saxaafadda iyo Hoggaanka Bulshada Raydka ah.