Muqdisho 22 Mar 2024; Raysulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho uga qaybgalay Afur Wadareedka Sanadlaha Ee is Aragga Xukuumadda JFS Iyo Bulshada Qeybaheeda taasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Raysal Wasaare Xamse oo kalmad Kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaa ugu horrayn ka hadlay Fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan isagoo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yiri “Waa Madaraso Sanadlaha oo dadka lagu baro dhaqanka Wanaaagsan, Waa bil qofka kastoo Muslim ah uu ku hamiyo si uu ugu diyaar garowo aakhiro, sidoo kale Bishaan Ramadaan waxaa lagu bartaa isu Naxariisasho, sidoo kale waa bil ducada la aqbalo islamarkaana ay tahay in lays cafiyo”
Raysal Wasaaraha XFS Mudane Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Dastuurka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yiri “Dhamaystirka Dastuurka waa hortabin wadareed, waxay hortabin u leedahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed’’
Kulanka waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ku wehliyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Maxamed Abdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Cali Xaaji, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xildhibaan Fardowso Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Balluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynya XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoljiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Ugu Dambayn, Waxaa kale oo kulanka qeyb weyn ka ahaa bulshada rayidka iyaga oo ka hadlay arrimo muhiim ah.