Muqdisho 18 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Guddoomiyay kulanka Guddiga Barnaamijka “Taageeridda Qaran Dhiska iyo Dib u heshiisiinta” ee SRSP, iyada ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, xafiisyada kala duwan ee heerarka Dowladda Federaalka ah, mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobey iyo deeqbixiyeyaasha sida Switzerland iyo Norway.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn soo qaatay ahmiyadda sooyaalka barnaamijka “ Toban sano kahor waxaa safarkeenna ku aaddan qaran sameynta iyo qaran dhiskaba ku bilownay, weliba innaga oo kuqaabeynay mustaqablka dowr deeqbixiye oo aan heysannay, cidina ma qiyaasi karin in mashruuca the Project Initiation Plan (PIP) oo ay daahfurtay UNDP kaas oo looga jawaabayay Nabad dhiska iyo Qaran Dhiska Peacebuilding and Statebuilding Goals (PSGs) ee ka farcamay Barnaamijka New Deal uu Soomaaliya u horseedayo in ay cagaheeda isku istaagto”.
Dhanka kale waxaa uu mudane Fiqi ka hadlay qaar ka mid guulaha barnaamijka isaga oo yiri “Barnaamijkan keliya qeyb kama qaadan Qaran Dhiska iyo hannaanka Dib u heshisiinta ee Jubaland, Southwest, Galmudug, iyo Hirshabelle oo saamiley kale lala kaashtay, ee waxaa uu qeyb ka ahaa u saldhigidda maamullada Southwest, Galmudug iyo Hirshabelle iyada oo loo sameeyay maamullo KMG ah, oo ahaa hannaan dhismo ay ugu sii gudbayeen in ay noqdaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah”.
Arrimaha kale oo Wasiirka adkeeyay waa in laga gudbo caqabado jira, loogana gudbo in la maalgeshto mustaqbalka “waa in aan la nimaado hannaan istaraatiijiyad aan meesha uga saareyno isheysad kasta oo wiiqaya horumarkeenna, caqabadahaasi oo ay ka mid yihiin; Sinnaan la’aanta iyo kala sareynta systemitiga ah ee dhinacyada siyaasadda bulshada iyo dhaqalaha, kuwaas oo u baahan in aan si degdeg ah indhaha ugu soo jeedinno, waxna uga qabanno. Sidaasi ay tahay arrinta kale ee caqabadaha aan soo sheegnay kasii baahi badan waa baahida loo qabo maalgeshi maaliyadeed oo waara, in la helo ballanqaad maaliyadeed oo aan ku dhismo aragti wadaageenna, aanna ku fulinno barnaamijyo waxtar leh oo aan wax uga qabaneyno sababaha keenay kala sarreynta iyo degenaanshiyo la’aanta”.
Ugu Dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Fiqi waxaa uu kaqeybgalayaasha kula dardaarmay in cid weliba ay kasoo baxdo kaalinteeda si jiilasha soo socda ay u helaan mustaqbal wanaagsan isaga oo intaa raaciyay “Aragtida aan wadaagno ee mustqabalka wanaagsan ee Soomaaliya waa inuu ku asteysnaado midnimo, xasilloni iyo dowladnimo waxtar leh oo dadka oo dhan gaarta. Si loo xaqiijiyo aragtidaasi waxaa ay u baahantahay rabitaan wadareed iyo qaadasho go’aanno geesinnimo leh oo la xiriira in aan galno ballanqaad maaliyadeed. Aan gaarno heer aan wax uga qaban karno caqabadahaasi, aanna garabka u ridaneyso mas’uuliyadda naga saaran jiilasha soo socda, una saldhigeyno dal mid ah, nabad ah iyo dadka oo dhan horumaraan”.