Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Qaabilay Ku Xigeenka Cusub Ee Ergayga Xoghayaha Guud Ee QM Soomaaliya

 

Muqdisho 16 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ku Xigeenka cusub ee Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga, iyada oo laga wada hadlay Dib u xorreynta dalka ka socota, howlaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Doorashooyinka iyo arrimo kale.

 

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Raisedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaaliyaba ku bogaadiyay guulaha isdabajoogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee lasoo dhaafay isaga oo intaa raaciyay sida UN-ka uga go’antahay taageeridda dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixinayso Dib u xorreynta dalka, Xasillinta, Sookabashada dehdegga ah iyo sidoo kale howlaha federaaleynta iyo in adeegyada & maamulka u dhoweyso shacabka Soomaaliyeed oo ay doortaan dadkii matali lahaa.