Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Ka Qaybgalay Kulanka Doorka Bulshada Raydka Ah Ee Isbadalka Cimillada

 

Muqdisho, 11 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFD Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay Kulanka Doorka Bulshada Raydka Ee Isbadalka Cimillada.

 

Kulankaan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada XFS ayaa looga hadlay muujinta iyo ahmiyadda doorka bulshada rayidka ah ee isbadalka cimillada.

 

Ugu Dambayn, Kulanka ayaa waxaa kaloo kasoo qaybgalay Wasiirka Deegaanka XFS Marwo Khadiija Al-makhzoumi iyo Agaasimaha Sunduuqa Cimillada Cagaaran Marwo Mafalda Duarte iyo Ururada Bulshada Raydka ah ee Soomaaliya.