- March 11, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho 09-11 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin ayaa shir guddoomiyay, kuna daahfuray caasimadda Muqdisho “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose(Wadajir) 09 Mar 2024.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbaddiisa daahfurka kusoo qaatay madashan iyo maalmaha ay socon doonto“Saddexda maalmood ee soo socda, waxaanu si wada jir ah aragtideena ugu biirin-doonaa (insha allah) dib-u-eegista hannaanka qaran ee dowladaha hoose ee wadajir. aragtida madaxda halkan joogta iyo wax ku biirintooda inta lagu jiro banbaxaan heerka sare ah waxaa ay noo tahay mid muhiim ah oo loo baahanyahay, waxaan rajaynayaa in aan ka qayb-qaato wadatashigan xoojinaya dadaalkeenna ku aaddan midnimada, iskaashiga, iyo xaqiijinta Soomaaliya oo barwaaqo ah oo shaqaynaysa”.
Mudane Axmed Fiqi, oo ka hadlay ujeedooyinka la hiigrsanayo ee shirka ayaa waxaa uu yiri “Ujeedooyinka aan hiigsaneyno si aan u gaarno hirgelinta Hannaanka Qaran ee Wadajir ayaa muhiim u ah in aan mideyno dadaalladayada wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta iyo adkeynta iskaashiga heerar kala duwan ee dowladda, shirkeenan muhiimka ah, waxaa kaloo ujeedooyinkiisa kamid ah inaan gaarno is-afgarad la isku waafajinaayo habraacyada dhismayaasha Dowladaha hoose ee heer federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, taas oo aan faafaahinteeda shirkaan ku geli doono, sidoo kale waxaa muhiim ah in aan yeelano mawqif midaysan oo lagu wajaho deeqbixiyeyaasha caalamiga ah si aan u xoojinno haykalka Dawladnimo ee dalkeena”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle ayaa ka mid ah Wasiirrada ka qaybalay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran Dowladaha Hoose.
Wasiir Oogle oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Madasha ayaa tibaaxay ahmiyadda Wadajir isagoo arrintaasi ka hadalayana wuxuu yiri ‘’ Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ee Wadajir wuxuu noo anfacayaa Dowladnimada, gaar dhanka jihaynta iyo daadajinta Dowladnimada’’.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/laahi Xaaji Xasan ayaa ka mid ah Wasiirrada ka qaybgalay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ( Wadajir).
Mudane C/laahi Xaaji Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS oo ka hadlay Daahfurka Madasha ayaa ka hadlaya ahmiyadda Wadajir isagoo arrintaasi ka hadalayana waxaa uu yiri ‘’ Waxaan qabaa in Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ee Wadajir uu yahay Marjic”.
Si taasi la mid ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa ka mid ah Wasiirrada ka qayblay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qarab Dowladaha Hoose ( Wadajir) isaga oo xoogga saaray hortabinnada Galmudug.
Wasiir Waayeel oo ka hadlaya Munaasabadda Daahfurka Kulanka ayaa yiri “Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir waxaan ku dhisnay Golayaasha Dagmooyinka qaar sida Galkacyo iyo Cadaado” isaga oo intaa raaciyay in ay joojiyeen hannaanka kadib markii ay fahmi waayeen.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qaybalay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose (Wadajir), isaga oo khudbaddiisa kusoo qaatay arrimo badan oo hortabin u leh maamulkooda iyo waxa hadda u qabsoomay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah SSC Khaatumo Mudane Cabdisahal Jaamac ayaa hoosta ka xarriiqay in Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir uu muhiim u yahay Dowladnimada, ayna soo dhoweynayaan
“Wadajir waa shey lawada leeyahay, laga wada tashanayo, oo meel loo wada wado, waana arrin fiican, Innaga waxaa noo diyaarsan sharciga maamulka degmooyinka iyo gobollada, qaabkan Wadajir waan soo dhoweyneynaa”.
Muddada seddexda maalin ah ee uu socday kulanka ayaa madaxda iyo kuhubarrada ka qaybgalaya ay ku soo bandhigeen doodo, aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo bilaya nidaamka dib-u-eegista Hannaanka Qaran Ee Dowladaha Hoose Wadajir.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah usoo xiray Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ee Wadajir, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada isagoo ku ammaanay ka go’naashahooda ku aaddan Wadatashaqaynta iyo ahmiyad siinta shaqada qaran ee u taalla Wasaaradaha. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay khubarrada heer farsamo iyo Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ee kasoo shaqeeyay Madasha.