Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Dhawaysay Ansixinta Golaha Wasiirrada Ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga Ahayn

 

 

Muqdisho 07 Mar2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxaa ay soo dhoweyneysaa ansixinta Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo shirkooda todobaadlaha ah ee uu guddoominayay Ra’isul Wasaare mudane Xamse Cabdi Barre ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka  Hay’adaha aan dowliga aheyn.

 

Hindise sharciyeedkan wasaaraddu waxay ku leedahay kaalin weyn iyadoo xafiiska Diiwaan Galiyaha Guud ee Ururada iyo Hay’adaha aan Dowliga ahayn oo ka tirsan waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliua uu ka shaqeeyo Diiwaangelinta Ururada iyo Hay’adaha aan Dowliga Ahayn, siinta shahaadada aqoonsiga ee ay dalka uga shaqeyn lahaayeen iyo qaar kale.