Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay Milkiilaha Lettra Teknoloji A.S

 

 

Muqdisho 06 Mar 2024; Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la qaatay Mudane Yuvuz Bacaci oo ah milkiilaha Lettra Teknoloji A.S.

 

Shirkaddan oo fadhigeedu yahay Ankara, kana shaqeysa Software iyo howlaha kale ee Teknolojiyadda ayaa arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; horumarinta teknolojiyadda, iskaashi dhanka aqoonsiga qaranka, diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo arrimo kale.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa wadda dedaalladeeda ku aaddan horumarinta Wasaaradda iyo nidaamka casriyeynta habka Dowladnimada uu dhawaan Daahfuray Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, isagoo waafajinaya aragtida Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Shiekh Maxamuud.