Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Maamuusay Garsoore Cumar Cartan

Muqdisho 05 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo Muqdisho uga qeybgalay munaasabad casho sharaf ah iyo maamuus ah oo loo sameeyey  Garsoore Cumar Cartan ayaa bogaadiyay heerka uu ka gaaray cayaaraha taas oo dhiirigelin u ah dhalinyarada, maamuusna u ah Shacabka Soomaaliyeed.

 

Garsoore Cartan oo garsoore caalami ah ayaa ka mid ahaa garsooreyaasha “AFCON 2024”, kaas oo muujiyay dedaal iyo karti dheeri ah inta ay socotay koobka cayaaraha kubadda Cagta ee Qaramada Africa, iyadoo taasi ay si wayn usoo jidatay Bulshada Soomaaliyeed ee xiisaysa cayaaraha.

 

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Marti sharaf ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, odoyaasha dhaqanka, saraakiil, xildhibaanno iyi bahda cayaaraha kuwaas oo la dhacsan dedaalka uu sameeyay Garsoore Cumar Cartan.