Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Ka Qaybgalay Madasha Isku Duwidda Arrimaha Horumarinta

 

 

Mogadishu 05 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeybgalay madasha iskuduwidda arrimaha horumarinta ee iskaadhiga Soomaliya iyo bahwadaagteeda ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee siyaasadda loo dhanyahay taas oo ahmiyad asaasi ah u ah in la gaaro horumar waara. La’aanteedna dadaallada ku aaddan ciribtirka faqriga, hubinta amniga cunnada, kor u qaadidda caafimaadka iyo bedqabka iyo la dagaalanka isbadalka cimilada ay dib u dhici kraan haddii aan la helin xasilooni siyaasadeed.

 

“Soomaaliya maanta waxaa ay kasoo kabaneysaa xasilooni darro siyaasadeed, dagaallo muddo socday iyo caqabado amni oo dalka muddo ragaadiyay, iyada oo aan guulo la taaban karo ka gaarnay dagaalka aan kula jirno kooxaha argigixisada, waxaa jira in baahi xooggan loo qabo in la sii kordhiyo dadaallada xasillinta goobaha dib looga xoreeyay argigixisada si dadka deegaannadaasi ay u helaan adeeg dowladeed oo muddo ka xanibnaa”. ayaa ka mid ahaa erayada Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Wasiirka oo arrimaha kasii hadlayay ayaa waxaa uu yiri “ Golaha wadatashiga qaran, madasha isu duwidda agaasimeyaasha guud iyo madallada kale ee siyaasadda loo dhanyahay, waxaa ay door muhiim ka cayaaraan kor u qaadidda xasillooni siyaasadeed iyo dhisidda is afgarad lagama maarmaan u ah horumar waara. La’aanta siyaasad loo dhanyahay awooddeena in aan gaarno ajende kasta oo horumarineed ama yool waxaa ay keeneysaa in ay noqdaan wax xadidan”.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed ayaa ka hadlay mudnaanta muddada soo socota isaga oo yiri “ Mudnaanteenna muddada soo socota waxaa ay diiradda saareysaa u tarjumidda heshiisyadii golaha wadatashiga qaranka natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan suurtogelinta qabashada doorashooyin toos ah iyo dhisidda qaab dhismeedka maamul ee loo dhanyahay”.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa hoosta ka xariiqay tiirka siyaasadda loo dhanyahay, gaar ahaan arrimaha hortabinta u leh Wasaaraddiisa isaga oo ka yiri “Dhameystirka shuruucda doorashooyinka, dhameystirka shuruucda dowladaha hoose, baahinta adeegyada dad dhigidda, bixinta aqoonsiga dadweynaha, xoojinta dowladaha hoose iyo daadejinta adeegga iyo shaqooyinka, dhameystirka iyo dhaqangelinta heshiiska asteynta awoodaha, dhaqangelinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, kor uqaadiska dadaallada nabad dhiska Soomaaliya, kordhinta barnaamijyada xasillinta”.

 

Madasha iskuduwidda arrimaha horumarinta, waxaa daahfuray  Raysal Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre, waxaana kasoo qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, Caddaaladda iyo Isbadalka Cimillada iyo saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka Horumarinta.