- March 5, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho 05 Mar 2024; Waxaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya maalmahan ka socday kulammo isdabajoog ah oo looga hadlayay geedi u socodka doorashooyinka iyo qodobbada xiriirka la leh ee kujira wax kabedelka dastuurka. Kulanka maanta waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay nooca doorashooyinka ka dhacaya degmooyinka dalka
Madasha waxaa shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi iyada oo ay Goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud, khubaro iyo sharciyaqaanno ka tirsan Wasaaradda iyo guddiyada kala ah; guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga madaxabbaan ee xuduudaha iyo Federaaleynta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa wadda dedaalladeeda ku aaddan geeddi socodka Dowladnimada iyo sarraynta sharciga oo ay horseedka ka yihiin Arrimaha Doorashooyinka.