- March 4, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho 04 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho uga qeybgalay madasha 7-aad ee aragti wadaag ee Heritage ayaa bogaadiyay in sanadkan diiradda lagu saaray“ Kobcinta Dhaqanka Nabadda Geeska”.
Ugu horreyn, Wasiir Axmed Fiqi ayaa ka hadlay heshiiskii Djibouti ku dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyo rajada uu geliyay umadda Soomaaliyeed “Heshiiska aad aragteen ayaa la saxiixay, wax dareen ah oo weyn ma jirin, innaga oo dhan aa rajo qabnay, niyad sami lagu soo kala tagay, la lahaa Bisha 2-aad ee dhammaataybaa la isku soo laabanayaa, si arrimaha masiiriga ah looga hadlo, runtii arrin cajiib ah ayaa ka dambeysay, sababta waxaa weeye, dad Soomaaliyeed oo isu tagay dadbaa dhib u arko ama dowlado ayaa dhib u arkaya, haddii ay heshiiyaan, oo mustaqbalkoodu isku dayaan in ay ka heshiiyaan, iyadana waa ay kasii darnaaneysaa”. ayaa ka mid ahaa erayada Wasiirka.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu dul istaagay sida shacabka Soomaaliyeed ay uga dhiidhiyeen MOUga sharcidarrada ahaa isaga oo yiri “ Arrin dareen gelisay shacabka Soomaaliyeed oo ah arrinta hoggaanka Itoobiya ay doorteen in dhammaan curfigii dowliga ahaa in meel iska dhigo dal la yiraahdo qeyb ka mid ah ayaa la qaadanayaa”, waxaa uuna ammaanay sida ay uga horyimaadeen shucuubta kunool Jigjiga, Zeylac, Lughaya, Hargeisa, Burco, Boorama iyo meelo kale.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu u mahadceliyay dowladda Djibouti iyo walaalaha Kenya oo wax badan ka qabtay dowlad dhiska iyo garab istaagga umadda Soomaaliyeed.