Muqdisho 02 Mar 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro xukuumadda Federaalka ah, xildhibaanno BFS ka tirsan iyo maamulka Machadka Heritage ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti mudane Muumuin Xasan Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeybalaya wajiga 2aad ee Dhammaystirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono 4 -5 bishan Maarso.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadley munaasabadda soo dhoweynta Wasiir Muumin ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah labada dal ee walaalaha ah ee Somaaliya iyo Djibouti, iyo in uu ku soo dhowaado gacmo furan dalkiisii labaad, una rajeeyey mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho kulamada uu la qaadan madaxda dawladda Soomaaliya kuwo miro dhal ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dal ee walaalaha ah, ku guulaysto hawlaha kale ee uu u soo sodcaalay iyo joogitaan nabad ah.
Soomaaliya Iyo Djibouti oo ah laba dal oo walaalo ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen oo ku salaysan dhiig iyo dheef wadaag, iyadoo Soomaaliya ay qayb ka qaadatay Madaxbannaanida dalkaasi, sidoo kale Dowladda Djibouti ayaa iyaduna qayb lexaad leh kasoo Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya waxaana ciidamadeeda ay ka mid yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.