Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

 

Muqdisho 29 Feb 2024; Madaxa guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha waaxda Wabaahinta iyo La falgalka dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee kooxda.

 

Shirkan waxaa u dhammaa guud ahaan hey’adaha labada heer ee Xasillinta uga shaqeeya Xiriirka, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimeyaasha waaxaha communications-ka ee Wasaaradaha Dowladda iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah u qaabilsan Xasillinta ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimeyaasha waaxaha Xiriirka ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbalnd.

 

Inta uu shirka socday waxaa la isla meeldhigay arrimo ay ka mid yihiin; wadashaqeynta xafiisyada Xiriirka ee labada heer ee dowladda, mideynta farriimaha xasillinta iyada sidoo kale kulanka lagu ansixiyay istaraatiijiyadda Xiriirka ee Xaaillinta taas oo lagu shaqeyn doono.