Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku daahfuray caasimadda Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”, waxaa uuna ka hadlay qiimaha nabadda.
“Waxaan rajayanayaa in dhowaan ay soomaaliya noqoto meel looga yimaado Nabadayaglada, Wadahadalka, Dimuqraadiyadda iyo hormarka” ayaa ka mid ahaa erayada Ra’isul wasaaraha.
Mudane Xamse Barre, waxaa uu “Principles for Peace” uga mahadceliyay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya. “Waxaad dhalateen Xilli caalamka ay cabsi badan ka jirto” ayuu yiri mudane Xamse oo sheegay in kashaqeyntooda gudaha Soomaaliya ay badan soo kordhin doonto.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay hormuud u tahay dib u heshiisiinta, ayna muhiim tahay is waafajinta howlaha nabadda ee socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale khudbad kajeediyay munaasabadda daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya” isaga oo hadaljeedintiisa uga hadlay Is-waafajinta Mabaadi’da Nabadda iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran ee (NRF).
“Joogistiinna halkani, waxaa ay hoosta ka xariiqaysaa ballanqaadka aan leexleexadka lahayn iyo go’aan wadajir ah oo ku wajahan qadiyadda nabadda” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa isaga oo intaa raaciyay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin oo ka hadlay daahfurka “Principles for Peace” ayaa uga mahadceliyey hey’addani imaatinkeeda gudaha Soomaaliya isaga oo in ay bartilmaameed ka dhigtaan, oo meeshooda ugu horreysay ay ahaato ku tilmaamay mid bogaadin.
Catriona Laing oo ah ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo sidoo kale ka hadashay daahfurka “Principles for Peace” ayaa ku dheeraatay ahmiyadda nabadda ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto gobolka.
“Nabad kahirgasho gudaha Soomaaliya, waa mid ka hirgashay guud ahaan gobolka, Nabadda Soomaaliya ay wax badan ka tari doonto midda gobolka”.
Amb. Mohamed El-Amine Souef, oo ah madaxa ATMIS ee Soomaaliya oo ka hadlay daahfurka “Principles for Peace” ayaa bogaadiyay garab istaagga loo sameeyay hey’addan.
Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda in Soomaaliya laga taageero ladagaalanka argigixisada, waxaa uuna soo qaatay sida AMISOM ay u taageereysay dalka tan iyo 2007.
Marwo Hibo Qasaas oo ah madaxa fulinta ee hey’adda “Principles for Peace” oo ka hadashay daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn uga mahadcelisay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi sida uu usoo dhoweeyay hey’adda iyo in ay ka hirgasho Soomaaliya, iyada oo bogaadisay garab istaagga daahfurka ee mas’uuliyiinta kale iyo qeybaha bulshada rayidka ah.
Marwo Hibo, waxaa ay intaasi ku dartay, marka la eego dhibaatooyinka caalamka ka jira, in Nabadda loo qabo weyn, ayna muhiim tahay in la abuuro rajo.
“Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaa ay u qalantaa taageero badan, innaga in aan qeyb ka noqonno waan ku faraxsaanahay” ayaa hadalladeeda ka mid ahaa.
Ugu Dambayntiina, Danjire Dr. Khadiija Cosoble Cali oo ka tirsan maamulka sare ee“ Principles for Peace” oo ka hadashay munaasabadda daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in Soomaaliya dhibaato badan ka dhacday,, ayna hirgalka hey’addani ee gudaha dalka ay ku faraxsantahay, iyada oo intaa raacisay in ay muuqato in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalka, nabadduna ay tahay muhiim iyo lagama maarmaan, waxaa ay hoosta ka xariiqday in ay arrintan noqon doonto mid bilow ah.