Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Wasaaradda

 

Muqdisho 27 Feb 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir iyo Sadaad Maxamednuur Caliyow ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Wasaaradda.

 

Shirka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan, agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha ayaa waxaa ay waaxyaha kala duwan kusoo bandhigeen howlaha u qabsoomay bishii lasoo dhaafay

 

Waaxyaha waxqabadka kusoo bandhigay waxaa ka mid ah; Waaxda shaqada iyo horumarinta shaqaalaha, waaxda federaalka iyo horumarinta dowlad goboleedyada, waaxda shuruucda, siyaasadaha iyo xeerka, Waaxda Xusuusdhowrka iyo Maareynta Xogta, waaxda xalka waara iyo hayaanka, Waaxda NGO-ka. Waxaa kale oo intaas dheer bandhigga qorshaha Wasaaradda 2024-ka iyo Isu duwidda Siyaasadda loo dhanyahay.

 

Mudane Cabdixakiim Ashkir, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay iyo bandhigyada wanaagsan iyo isaga oo waaxyaha ay khuseyso gaar ahaan Barakaca iyo Hayaanka iyo NGOska kula dardaarmay in ay xoojinta helidda xogaha gaar ahaan dowlad goboleedyada.

 

Ugu dambeynytii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ammaanay horumarka laga sameeyay bishii tagtay dhanka shaqada waaxaha isaga oo ku adkeeyay agaasimeyaasha waaxaha isla xisaabtanka dhanka xaadirinta, ku shaqeynta iyo filinta ballamaha Wasaaradda ee 2024-ka