Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Furay Tababarka Tabarayaasha Nidaamka Danabaysan Ee Dad-dhigista

 

Muqdisho 27 Feb 2024; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Sadaad Maxamednuur Caliyow ayaa daahfuray tababarka tababarayaasha nidaamka danabeysan ee adeegga mideysan ee Dad dhigidda iyo Tirakoobka xaaladaha madaniga ah. tababarkan oo ay ka qeybqaadanayaan howlwadeennada kala duwan ee ka kala socdo Wasaaradda Caafimaadk iyo daryeelka bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo kuwa caafimaadka ee Dowlad Gobolledyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, Maamulka Gobolka Banaadir iyo SSC-Khaatumo iyo khuburadda iyo howlwadeenada Agaasinka Guud ee adeegga Dad-dhidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee Wasaaradda.

 

Mudane Wasiir Saadaad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda nidaamkan danabeysan ee Dad dhigista iyo Tirakoobka isaga oo yiri “Adeeggan dad-dhigidda oo ah adeeg kulmiya daneeyayaal kala duwan, Wasaaraddu ayada oo fulineysa siyaasadda qaran ee dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah ee khasbeysa daadejinta adeeggan waxaa ujeedka tababarku yahay in la diyaariyo howlwadeennada heer maamulada gobol iyo dowlad goboleed si ay awood ugu yeeshaan in u sii diyaarinaan oo tababare yaal ugu noqdaan howlwadeennada dowladaha hoose ee degmooyinka oo ah bixiyeyaasha adeeggan”.

 

Dhanka waxaa uu ka hadlay tababarka tababarayaasha isaga oo hadalkiisa kusoo gabogabeeyay “Tababbarka waxaa bixinaya xeeldheerayaal si fiican u soo diyaariyay casharada aad baran doontaan labada maalin ee soo socota.

 

Waxaan idin ku geesinimo gelinayaa inaydaan noqon dhagaysteyaal, balse aad noqotaan kuwa ku darsada aragtiyadooda casharada la bixinayo, wayddiiya xeeldheerayaasha wixii mugdi idin ka gala ama idinka daadegi waaya. Sababta sidaasi aan u leeyahay ayaa ah in laabataan idinkoo ku qalabaysaan aqoontii iyo xirfaddii loo baahnaa in waajib ku gudataan, siina bartaan saaxiibada u laabanaysaan”.

 

Dhanka kale Agaasinka guud ee adeegyada dad dhigsita iyo tirakoobka mudane Cabdiqani Maxamed Weheliye ayaa ku dheeraaday kulanka iyo sida tababarka tababarayaasha ay ugu adeegi doonaan adeegga nidaamka danabeysan ee Dad dhigidda iyo Tirakoobka xaaladaha madaniga.