Muqdisho 24-26 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Tababarka Istiraatiijiyadda Xiriirka iyo Warbaahinta oo socday muddo seddex cisho ah, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow.
Maalmaaha uu socday Tababarka ayaa lagu bartay cashirro la xiriira arrimaha xiriirka iyo warbaahinta sida Maamulidda xafiisyada xiriirka, Marinada Xiriirka, la dagaallanka dacaayadaha iyo wararka been abuurka ah, la socoshada warbaahinta iyo koontarooliddooda.
Inta uu Tababarkaan socday ayaa waxaa ka faaideystay islamarkaana loo qabtay Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, gaar ahaan howlwadeennada Waaxyaha Xiriirka iyo Warbaahinta. Sidoo kale ka qayblayaasha Tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin ku aaddan Xirfadda la baray maalmaha uu socday Tababarka.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah usoo xiray Tababarka, isagoo ku bogaadiyay ka qaybgalayaasha Tababrka in ay ku shaqeeya xirfadda cusub ee la baray islamarkaana baahiyaan.