Muqdisho, 21 Feb 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la qaatay Agaasimaha UK u qaabilsan arrimaha horumarinta Mudane Simon Mustard iyo Safiirka UK ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis iyada oo looga hadlay howlo ay ugu muhiimsan yihiin; arrimaha Dib u heshiisiinta, Xasillinta, Doorashooyinka iyo qaar kale
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda UK howlaha ay qabato guud ahaan Soomaaliya gaar ah kuwa la xiriira sookabashada degdegga ah ee bulshooyinka iyo deegaannada nugul ee dhowaan la xoreeyay kuwaa oo la gaarsiiyay taageero muddo dheer ah.