Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Guddoomiyay Kulanka Sharciyaqaannada Wasaaradda Iyo Kuwa Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

 

Muqdisho 11 Feb 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulan ka dhacay Wasaaradda oo qeyb ka ahaayeen Sharciyaqaanno ka socday guddiyada Madaxabbaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee qaranka iyo sharci yaqaano ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Inta uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhiggay Dib u eegista iyo Dib u habeynta sharciyada la xiriira doorashooyinka si waafaqsan heshiiska madasha wadatashiga qaran.