Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay La-taliyaha Boqorka Sacuudiga

 

Muqdisho, 28 Jan 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa caasimadda Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica.

 

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu waaweynaa; Mashaariicda Xarunta Boqor Salmaan ee howlaha Gargaarka iyo Samagalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka; Badbaadinta hubantida cuntada, hoyga, caafimaadka, kabashada degdegga ah, badbaadin, Waxbarasho, caafimaad, biyaha iyo bedqabka deegaanka iyo arrimo kale.

 

Dr. Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maude Axmed Fiqi uga warbixiyay daahfurka mashaariicda laga hirgelinayo Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

 

Xarunta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka waxaa la aasaasay 2015-kii ayaa waxaa ay gargaar gaarsiisaa daafaha dunida.