Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kummannaan Shacabka Reer Muqdisho Kala Qayblay Dibadbax Looga Soo Horjeedo Damaca Gurracan Ee Itoobiya

 

Muqdisho 11 Janaayo 2024; Kumannaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay qeybo badan oo Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ah iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

 

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho iyaga oo sitay boorar ay ku qofan yihiin: Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna, Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna, Kama Gorgortameyno iyo
Taako dhulkeenna, Dhiibimeyno!l.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta kummanaan shacabka oo reer Muqdisho ah kala qaybgalay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso dhulka iyo badda Soomaaliya, gaar ahaan heshiis kusheegga ay la gashay Madaxwaynaha Maamulka Soomaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Fiqi ayaa sheegay sheegay in damaca Itoobiya ay ku doonayso badda iyo barriga Soomaaliya uu soo jiitamayay muddo 600 oo sano ah.

 

Mar uu ka hadlayay Damaca waxaa uu ka yiri “Saldhig Ciidan ayaan ka rabnaa badda Soomaaliya waxaa la mid tahay Soomaaliya ayaan rabnaa in ka qaadanno Dhulkeeda iyo baddeedada, mana ka yeelayno Itoobiya waxaas’’.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tibaaxay in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya uu ku fashilmay siyaasadda Arrimaha Gudaha Itoobya isla markaana uu doonaayo in uu dhibaato kale abuuro, si uu culayska iskaga yareeyo.